Ethiopia: cadho ka dhalatay Askar nolosha ku gubay nin, deegaanka Benishangul-Gumuz

Ethiopia-(Berberanews)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto dadka lagu arkay muuqaallada iyagoo qof  nool gubaya.

Itoobiya ayaa wacad ku martay in ay baadhitaan ku sameyn doonto oo ay tallaabo ka qaadi doonto askarta ku labisan dareeska iyo dadka kale ee lagu arkay muuqaal naxdin leh oo nin nool ku gubaya waqooyi galbeed ee dalka.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay Filimka laga soo duubay rag ku labisan dirayska ciidamada Itoobiya oo ku jees jeesaya ninkaasi oo dab qabadsiiyay.

Maamulka ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay waqooyiga gobolka Benishangul-Gumuz halkaas oo ay ka dhacaan rabshado isir ah oo soo noqnoqda.

Muuqaalkan oo si weyn loo wadaagay, isla markaana cadho badan ka dhaliyey baraha bulshada gelinkii dambe ee Jimcihii, ayaa muujinaya nin aan hubaysnayn oo dab la qabadsiinayo oo koox dad ah oo ay ku jiraan qaar xidhan dirayska ciidammada Itoobiya ay ku caayayaan afka Amxaariga.

Fiidiyowgu si madax bannaan looma xaqiijin. Ma cadda in dhacdadan ay la xidhiidho dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya, kaasoo billowday 16 bilood ka hor.

Berberanews.com
Info@berberanews.com