Masar oo dil toogasho ah ku fulisay toddobo ka mid ah mintidiinta Islaamiga ah

Masar-(Berberanews)-Masar ayaa toddobaadkan dil toogasho ah ku fulisay toddobo qof oo lagu helay inay fuliyeen weeraro kala duwan, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Saddex ka mid ah ayaa lagu helay dambi ah inay ka qayb qaateen weerar ka dhacay magaalada Helwan ee duleedka magaalada Qaahira sanadkii 2016-kii kaas oo lagu dilay sideed boolis ah.

Afarta kale ayaa lagu helay dambi ah in ay dileen askar boolis ah weeraro hore.

Masar ayaa sanadihii lasoo dhaafay xukuno dil ah ku riday boqolaal qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in aan Islaamiyiinta oo kaliya la badhtilmaameedsanin balse ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi.