Putin oo ku adkaystay in dalkiisu dhabar adayg u leeyay cunaqabatayn kasta

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay Ruushka ay dib u celin doonto reer Galbeedka, oo ay ku jiraan sare u kaca cuntada iyo tamar, Moscow ay xallin doonto dhibaatooyinkeeda oo ay soo bixi doonto.

Putin waxa uu sheegay in aanay jirin wax kale oo ka duwan waxa uu Ruushku ugu yeedhay “howlgalkiisa milatari ee gaarka ah” ee Ukraine iyo in Ruushku aanu ahayn waddan aqbali kara in uu u tanaasulo madax-banaanidiisa si loo helo faa’iido dhaqaale oo gaaban.

“Cunaqabatayntan si kastaba ha ahaatee waa la soo rogay,” Putin ayaa u sheegay shir ay yeesheen dawladda Ruushka Khamiista, “Waxaa jira su’aalo, dhibaatooyin iyo duruufo adag laakiin waagii hore waan ka gudubnay, haatanna waan ka gudbi doonnaa. “Ugu dambayntii, dhammaan tani waxay horseedi doontaa korodhka madax-bannaanida, isku-filnaanshaha iyo madax-bannaanidayada,” ayuu u sheegay shir dawladeed oo laga sii daayay telefishanka laba toddobaad ka dib markii ciidamada Ruushku ay weerareen dalka deriska la ah ee Ukraine.

Hadalladiisan ayaa loo qorsheeyay in lagu tuso  cunaqabataynta reer galbeedka inay yihiin kuwo is-jamarinaya oo u xaqiijinta Ruushka in waddanku u adkeysan karo waxa Moscow ay ugu yeedhay “dagaal dhaqaale” oo ka dhan ah bangiyada, ganacsiyada iyo waxsoo saarka dalka.

Putin waxa uu sheegay in Moscow – oo ah soo saaraha tamarta u weyn oo bixisa saddex meelood meel gaasta Yurub – ay sii wadi doonto inay ka soo baxdo waajibaadkeeda qandaraaska in kasta oo lagu soo rogay cunaqabatayn dhamaystiran oo ay ku jirto mamnuucida Maraykanka iibsashada saliideeda.

“Waxay ku dhawaaqeen inay xidhayaan saliida Ruushka ee loo soo dhoofiyo suuqyada Maraykanka. Sicir-bararku aad buu u sarreeyaa, sicir-bararku waa mid aan hore loo arag, wuxuu gaadhay heerar taariikhi ah. Waxay isku dayayaan inay natiijada khaladaadkooda dusha naga saaraan,” ayuu yidhi.
“Gabi ahaanba waxba kuma lihin.”

Berberanewa.com
Info@berberanews.com