Jabuuti oo shaacisay lacag badan oo dawladda laga lunsaday iyo masuuliyiin loo xidhay

JABUUTI —(Berberanews)-Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag gaadhaysa balaayin franc lacagta dalkaas ah oo lagu lunsaday heshiis khiyaamo ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.
Warbixin uu soo saaray xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jabuuti galabta, ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dawladda, iyada oo cadad aad u ballaadhan ku bixineysa adeegyo u muuqda kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”
Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabooyin aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taas oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computerro iyo agab kale oo qiimahoodu gaadhayo balaayiin Frank oo lacagta dalkaas ah.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xidhay Farah Mohamed Osman oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo Sahal Said Awaleh oo ah agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la xidhay qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baadhistu gashay.
Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baadhitaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaamo ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaas oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.
Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xidhay ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xidhiidhiyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee bilaabay nidaamka wax is daba-marinta.
“Sidaa darteed, Mr. Abdoulkarim Aden Cher, ayaa la xidhay, lana dhigay xabsi si loo baadho,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-Ilaalinta.
Xeer-ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey, soona celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.
Baadhitaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha, isla markaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si caddaaladda loo mariyo.
Dadka la xi6y iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si degdeg ah looga heli karin jawaab ku aaddan eedda loo jeediyey.

Berberanews.net
Info@berberanews.com