#Ethioipia oo lagu cambaareeyay cabudhinta iyo  tacadiga warbaahinta

Ethiopia-(Berberanews)-Tobaneeyo saxafiyiin ah oo u dhashay dalka Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa dibadda ku nool ayaa ugu baaqay dowladda inay ixtiraamto xuquuqda saxaafadda xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah wariyeyaasha ka howlgala dalkaas.

Waxay dhaleeceeyeen “dhammaan cadaadisyada lagula kacayo saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ee Itoobiya, kuwaas oo si fudud loogu badh-tilmaameedsaday inay shaqadooda qabsadaan,” sida lagu sheegay bayaan.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa in badan ku eedeyay dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika in ay cabudhinayaan codadka mucaaradka.

Kor u kaca awoodda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee 2018 ayaa rajo cusub u keentay dalka, ka dib markii uu sameeyay mowjado isbedello ah. Laakin xidhiidhka u dhexeeya saxaafadda iyo dowladda ayaa meel xun gaadhay markii uu dagaal sokeeye ka qarxay waqooyiga dalka bishii November 2020.

“Wadanka ayaa tan iyo markii uu si weyn uga laabtay ballan qaadkiisii ​​ahaa in uu ixtiraamayo xorriyadda saxaafadda. Xadhigga suxufiyiinta ayaa mar kale noqday caado,” ayay yidhaahdeen saxafiyiinta.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta ay yihiin kuwo baqdin qaba, oo xabsiyada ku jira, kuna nool cabsi ay ka qabaan halista dhabta ah ee lagu xidhayo, kana fikiraya inay shaqada joojiyaan ama ay dalka ka baxsadaan.

Warbixinta sanadlaha ah ee 2021, Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ) ayaa Itoobiya ku daray maxaabiista ugu sareysa ee suxufiyiinta Afrika oo ay weheliso Masar iyo Eritrea.

Saraakiisha ayaa had iyo jeer diida in la beegsado saxafiyiinta si ay shaqadooda u gutaan.

Tiro wariyaal ah oo ku xidhnaa xaalad degdeg ah ayaa la sii daayay tan iyo markii ay soo baxday.

Berberanews.net
Info@berberanews.com