Madaxweyne Putin oo digniin culus u diray dalalka cunaqabataynta kusoo rogay

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay cunaqabateynta dalalka reer galbeedka ay kusoo rogeen kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine ay lamid tahay ‘ku dhawaaqis dagaal’.

“Laakiinse Allahe) ayaa mahad leh, weli xaaladda halkaa ma aanay gaadhin”ayuu yidhi Putin.

Putin wuxuu ka digay isku day kasta oo aag duulimaad ka caaggan looga dhawaaqayo Ukraine loo arki doono ka qeybqaadashada dagaal hub la isku adeegsado.

Wuxuu sidoo kale ku gacan seydhay soo jeedintii aheyd in xaalad deg deg ah looga dhawaaqo Ruushka.

Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in aag duulimaadka ka caaggan looga dhigo Ukraine uu Ruuska u arki doono ka qeyb qaadashada dagaal hubeysan.

Wuxuu intaa ku daray in dadka ka dambeeya tallaabooyinka ka dhanka ah Ruushka ‘loola dhaqmi doono sida cadow lagula jiro dagaal’.

“Hoggaanka haatan jira wuxuu u baahan yahay inuu fahmo in haddii ay sii wadaan waxa ay haatan wadaan in mustaqbalka ay halis gelin karaan qaranimada Ukraine” ayuu yidhi Putin.