Wasiir Kayd oo sheegay in dowladdu ka dagaalamayso tacadiga haweenka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr. Ciise KAYD, ayaa sheegay in dowladdu kasoo horjeedo tacadi kasta oo ka dhana haweenka

“Bulshada caalamka iyo NGO-du way ka warqabaan in dowladda Somaliland kasoo horjeedo tacadiga haweenka noocay doonaan ha ahaadeen.”

Wasiir Kayd waxa uu ka hadlay dhibaatada haysata haweenka la kulma tacadiyada kala duwan.

“Dhibaatada u weyn ee hablaha haysata waa inaanay sheegan karin wixii gaadhay, mar hadaanay sheegan karina way la dhintaan ama la xanuunsadaan dhibaatada masxiyanka ah.

Marka gabadhu soo cabato waa in la helaa adeeg caafimaad ku sallaysan oo ka caawinaya dhibaatadii soo gaadhay, oo ka caawinaya gabadha faraxumayntii iyo tacadigii soo gaadhay. Sanado ayay qaadataa inanta ama inanka yar ee la fara xumeeyaa. Waa arrin khatarteeda leh oo dolwaduna kasoo horjeedo, oo dhaqanku kasoo horjeedu, waanaan la dagaalamaynaa.”