Tababar loo furay Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa  -(Berberanews)-Waxa Assod Hotel ee magaalada Hargeisa ka furmay tababar ku saabsan kor u qaadista aqoonta Guddoonka Guddiyada iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.


Tababarkan oo socon doona laba maalmood, ayaa xoogga lagu saari doonaa sida Guddiyadu u shaqeeyaan, una gudan lahaayeen waajibaadkooda dastuuriga ah ee ay gole waynaha u qaabilsan yihiin.


Ugu horreyn, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md Cali Xaamud Jibriil oo furay tababarka ayaa ku boorriyey xidhibaannada inay ka faa’iidaystaan aqoonta la baro, isla markaana ku dabbaqaan hawl-maalmeedka guddiyadu qabtaan, isagoo u mahadceliyay dhammaan hawlawadeennada Golaha oo soo qabanqaabiyey tababarkan oo ku soo beegmay xilligii loo baahnaa iyo Xarunta Yoolasha Horumarka Waara (Center for SDGs) oo farsamo ahaan Golaha ugala shaqaysay qabashada tababarkan iyo Mac-hadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI) oo maalgeliyey qabashada tababarkan.


Tababarka oo socon doona maanta iyo berri ayaa waxa tababarka siinaya khubaro aqoon badan u leh  mawduucyada kala duwan ee lagu siinayo.