USA: Dacwadda u dhaxaysa Muslimiinta iyo FBI-da

USA-(Berberanews)-Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka, ayaa u xukuntay FBI-da kiis la xidhiidha midab-takoor oo ay keeneen saddex nin oo Muslimiin ah oo u dhashay gobolka California, kuwaas oo ku eedeeyay wakaaladda inay si sharci-darro ah u basaastay wixii ka danbeeyay weerarradii September 11, 2001.

Maxkamadda Sare waxay si wada jir ah u laashay natiijada ay soo saartay maxkamadda hoose ee 2019 oo sheegtay in Xeerka Dabagalka Sirdoonka Shisheeye (FISA), oo ah sharciga federaalka ee nidaaminaya ilaalinta dowladda, uu ka miisaan badan yahay mudnaanta sirta ee dawladda – difaac sharci ah oo ku salaysan tixgalinta amniga qaranka.

Kiiska ayaa hadda dib loogu celin doonaa maxkamadaha hoose si dacwado dheeri ah loogu qaado, iyadoo dacwad-oogayaasha ay wali taagan yihiin.

Maxkamadda Sare waxay dhaleecaysay falanqeynta Maxkamadda 9-aad ee  Racfaanka Mareykanka ee fadhigeedu yahay San Francisco, iyadoo garsoore Samuel Alito uu qoray in bixinta FISA  “aanay meesha ka saarin mudnaanta sirta dawladda”

FBI-da ayaa lagu eedeeyay in ay galeen masaajidda caanka ah ee ku yaalla koonfurta California, ayna badhttilmaameedsanayeen Muslimiinta Mareykanka si ay ula socdaan diintooda, sida ay sheegtay dacwadda.

Waxa ay FBI-da ku eedaysay in ay badhtilmaameed ka dhiganayso Muslimiinta taas oo jabinaysa wax ka beddelka koowaad ee dastuurka Maraykanka, iyo sidoo kale in ay jabisay wax ka beddelka afraad ee mamnuucidda baadhitaannada iyo qabashada xad-dhaafka ah.

Yassir Fazaga, imaam ka ah Mu’asasada Islaamiga ah ee Degmada Orange ee Mission Viejo; Cali Uddin Maalik, oo ka socda Xarunta Islaamka ee Irvine; iyo Yasser Abdel Rahim, oo Masar u dhashay oo si rasmi ah u degganaa isla markaana ka socda Xarunta Islaamka ee Irvine, waa dacwoodayaasha.

Ururka Xorriyadda Madaniga ah ee Mareykanka (ACLU) iyo kuwa kale ayaa iyaga matalaya.