USA oo ka digay weerarro Al-shabaab la maaggan yihiin diyaaradaha hawada Soomaaliya iyo Kenya

Washington -(Berberanews)-Dawladda Maraykanka, ayaa uga digtay diyaaradaha rayidka ah ee isaga kala goosha hawada waddamada Soomaaliya iyo Kenya inay ka feejignaadaan weerarro qorshaysan oo la filayo inay la beegsadaan kooxda mintidiinta ah ee Al-shabaab.
Sida lagu sheegay talo-bixin ay soo saartay Hay’adda Duulista Hawada ee Dawladda Faderalka ee Maraykanka (FAA) maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 26-kii February, diyaaradaha isticmaala hawada dalka Kenya ayaa lagu wargaliyey in ay ka digtoonaadaan inay joog hoose ku duulaan, maadaama ay halis ugu jiraan in lagu weeraro hub awood u leh in lagu duqeeyo cirka.

Hay’adda FAA waxa ay xustay in digniintani ka dambaysay xog sirdoon iyo qiimeyn lagu sameeyey kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, kuwaasoo doonaya inay bilaabaan habka cusub ee weerarrada argagaxisada ah.

Maraykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab   haysato hub awood u leh in ay ku garaacaan diyaaradaha ku socda joog hoose oo gaadhaya ilaa 25,000 feet, iyagoo beegsanaya marka ay duulayaan ama dagayaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay bil kaddib markii dhowr safaaradood oo Yurub ah ay soo saareen digniino argagaxiso oo ay uga digayaan muwaaddiniintooda ku nool Kenya inay ka fogaadaan goobaha  dadku isugu yimaaddaan.