Madaxweyne Biixi iyo murashax Cirro oo yeeshay Kulan albaabadu u xidhnaayeen

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay qasriga Madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee maanta.

Kulanka oo ahaa mid xogtiisa aad loo ilaaliyey, isla markaana qaatay muddo dhowr saacadood ah ayaa la sheegay in Madaxweyne Biixi iyo Musharax Cirro ay in badanta ugu badan kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka.
Ilo xogogaal ah ayaa tibaaxay in kulanka Madaxweynaha iyo murashax Cirro ku dhammaadey jewi isfaham, una ballameen kulan dambe kadib marka Madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Maraykanka toddobaadka soo socda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com