Khasaaraha duqaymaha ruushku caawa ka fuliyay Ukraine

Shan qof ayaa ku dhintay ka dib markii Ruushku uu weeraray taawarka TV-ga ee Kyiv, isagoo garaacay xarumaha baahinta ee u dhow, saraakiisha Ukraine ayaa sidaas sheegay.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ruushka uu uga digay dadka deegaanka inuu isku diyaarinayo inuu weeraro badhtilmaameedyo ku yaal caasimadda Ukraine.

Waxa ay sheegtay in ay qorsheynayso weeraro lagu qaado xarumaha teknoolajiyada ee Kyiv, iyada oo dadka ugu baaqday in ay ka fogaadaan. Kolonyo baabuur ah oo gaashaaman oo Ruushku leeyahay ayaa weli ku sii socda magaalada Fagaaraha Freedom Square ee bartamaha magaalada Kharkiv, oo ah magaalada labaad ee dalka Ukraine, ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah.

Qiimeyntii ugu dambeysay, Pentagon-ka ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka aanay qabsan Kharkiv ama Mariupol, balse ay qabsadeen magaalooyinka u dhow.

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa Ruushka ku eedeeyay weerarro bahalnimo ah oo aan kala sooc lahayn.