Taiwan oo joojisay qalabkii Tiknoolojiyada ee ay ka iibin jirtay Ruushka

Taiwan-(Berberanews)-Sida laga soo xigtay warbaahinta Taiwan, shirkadda Taiwan Semiconductor Manufacturing Company (TSMC) ayaa joojisay bixinta adeegii Ruushka sababo la xidhiidha cunaqabateyn lagu soo rogay ololaheeda militari ee Ukraine.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan wakaaladda wararka Taiwan ee CNA, TSMC ayaa gebi ahaanba joojisay bixinta adeegeedii Ruushka iyo alaab-qeybiyeyaasha ka dib markii ay eegtay xannibaadaha si ay ugu hoggaansamaan.

Sida laga soo xigtay CNA, TSMC waxay sidoo kale joojisay wax soo saarka Elbrus semiconductors, kuwaas oo loogu talagalay Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa 25-kii February ku dhawaaqday inay ku biirayso cunaqabataynta dhaqaale ee caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka si ay “Ruushka loogu qasbo inuu joojiyo gardarada militari ee uu ku hayo Ukraine.”

Cunaqabataynta cusub ayaa ka dhigaysa mid sharci darro ah in shirkadaha Ruushku ay iibsadaan noocyo kala duwan oo teknoolojiyad sare ah, oo ay ku jiraan semiconductors, kombuyuutarada, isgaadhsiinta, qalabka macluumaadka amniga, lasers, iyo dareemayaasha (sensors).

Ka dib markii jamhuuriyada Donetsk iyo Lugansk ee gooni u goosadka ah ay codsadeen gargaar si ay isaga difaacaan weerarrada uga imaanaya ciidamada Ukraine, Ruushka ayaa tallaabo milateri ka bilaabay Ukraine saacadihii hore ee 24-kii February.