Ukraine iyo Ruushka oo ku heshiiyeen inay kulmaan ‘ shuruud la’aan,’

Ukraine-(Berberanews)-Ukrayn iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey inay ku kulmaan meel u dhow xadka Belarusiya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba uu ku dhawaaqay in dalkiisu “aanay ka tanaasuli doonin hal taako oo dhul ah.”

Wadahadalladan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii uu Ruushku billaabay duullaan ballaadhan oo uu ku qaaday dalka Ukrain todobaadkii hore, ayaa dhici doona iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin, waxayna ka dhasheen wada-hadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo dhiggiisa Belarus, sida uu sheegay hoggaamiyaha Ukraine.

“Waxaan ku heshiinnay in wafdiga Ukraine ay la kulmaan wafdiga Ruushka shuruud la’aan xudduudda Ukraine iyo Belarus, oo u dhow webiga Pripyat,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray.

Hadal laga sii daayay taleefishinka Axaddii, ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ku sheegay in dalkiisu aanu “ka tanaasuli doonin hal taj oo… dhul ah” ka dib markii uu aqbalay wadahadal uu la yeeshay Moscow.

Berberanews.com
Info@berberanews.com