Faransiiska oo qabsaday markab laga leeyahay dalka Ruushka

Markab sitay calanka dalka Ruushka ayaa lagu qabtay dalka Faransiiska, waxaana lagu tuhmayaa in uu jabiyay cunaqabateyntii lagu soo rogay dalka Ukrain.

Markabkan Baltic-ga ayaa sitay baabuur cusub oo uu ka soo qaaday magaalada Rouen ee dalka Faransiiska kuna sii jeeday magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Sida laga soo xigtay warbaahinta rasmiga ah ee Ruushka, markabka waxaa iska leh qayb ka mid ah bangiyada ay cunaqabatayn saareen Midowga Yurub iyo Maraykanku dhawaan.

Tallaabadan oo kale, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gobolka Faransiiska, waa mid aan caadi ahayn, laakiin waa muujin adag.

Markabkan ayaa waxaa cunaqabatayn saartay Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka, taas oo sheegtay in ay leedahay shirkad hoos timaada Promsvyazbank, oo ka mid ah hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka ee lagu bartilmaameedsanayo cunaqabataynta.

Berberanews.com
Info@berberanews.com