Doorashada Somalia oo dub loo muddeeyay

Somalia-(Berberanews)-Warsaxaafadeed ka soo baxay xalay shir ay ay barta Zoomka ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga qaran, ayaa isku raacay in mar kale dib loo muddeeyo xilliga ay ku soo gebagaboobeyso doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Taas oo ay isku raaceen in kusiga u danbeya la doorto ka hor 25 March.

Maanta ayay ahayd xilligii u ku ekaa muddayntii hore ee ay u sameeyeen in doorashadani ku soo gabagabawdo, Iyada oo illaa iyo hadda xubnihii gobollada Waqooyi oo keliya la dhammaystiray.

“Duruufo yimid oo seddex arrimood ay ugu waaweyn yihiin ayaa dib u dhaca keenay midda koobaad oo ah abaaraha iyo sameynta ay waddanka ku yeelatay gaar ahaan dowlad goboleedyada ay doorashooyinka ka dhacayaan, xaalado dhanka ammaanka ah oo deegaan doorashooyinka qaarkood sameeyey oo carqalad abuuray iyo sida oo kale dhaqaalihi looga tala galay in doorashada lagu socodsiiyo oo meelaha qaarkood sidi loogu tala galay aan loo helin ayaa keenay in doorashada dib loo muddeeyo,” ayuu yidhi wasiirka ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo BBC u warramay.

Doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya oo lagu waday in maanta la soo gabagabeeyo waxaa ilaa iyo hadda la doortay 175 xildhibaan iyada oo ay hadhsan yihiin ku dhawaad 100 xildhibaan.