Ruushka oo qabsaday Warshadii tamarta Nukliyeerka Ukraine

Ukriane-(Berberanews)-Warshada Korontada ee Chernobyl oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka, sida uu sheegay sarkaal Ukraine ah.

Warshada tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl ayaa waxaa qabsaday ciidamada Ruushka ka dib markii uu dagaal ba’an ka dhacay goobta  ay ku taal, sida uu sheegay la taliyaha xafiiska madaxtooyada Ukraine.

“Suurtagal maaha in la yidhaahdo warshadda tamarta nukliyeerka ee Chernobyl waa ammaan ka dib weerar aan macno lahayn oo ay qaadeen Ruushka,” Mykhailo Podolyak ayaa sidaas yidhi.

“Tani waa mid ka mid ah khataraha ugu daran Yurub maanta,” ayuu raaciyay.