Maraykanka “Ma geli doono dagaal aan la galno Ruushka”

USA-(Berberanews)-Xitaa haddii Ruushku uu duullaan baaxad leh ku qaado Ukraine, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa ku cel-celisay in Maraykanku aanu dagaal la geli doonin Moscow.

“Ma geli doono dagaal aan la galno Ruushka, mana geyn doono ciidamo militari Ukraine si ay uga hortagaan Ruushka,” ayay tidhi.

“Wariye ayaa la yaabay in taasi run tahay xitaa haddii Ruushku “la wareego Ukraine oo dhan.”

“Taasi waa dhowr tillaabo, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in madaxweynaha uu si cad u caddeeyey mowqifkiisa: ciidamada Mareykanka looma diri doono Ukraine.”

Berberanews.com Info@berberanews.co