Khasaaraha duullaanka Ruushku kaga qaaday Ukraine badda, hawada iyo dhulka

Ukrraine-(Berberanews)-Ruushka ayaa bilaabay duulaanka dhulka, cirka iyo badda ah ee uu ku hayo dalka Ukrain, weerarkan ayaa ah kii ugu xumaa ee hal dowlad ku qaado qaarada Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana la xaqiijiyay cabsidii ugu darneyd ee reer galbeedka.

Weerarada ayaa billowday Khamiistii, markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in “hawlgal milateri oo gaar ah” la oggolaaday isagoo khudbad ka jeediyay telefishinka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Moscow ay qiratay aagagga ay fallaagada gacanta ku hayaan ee Luhansk iyo Donetsk oo ay sheegtay inay ka codsadeen “caawimadeeda.”

Ukraine ayaa sheegtay in dad badan lagu dilay duqeynta Ruushka saacado gudahood.

Sida laga soo xigtay saraakiisha maxalliga ah, tobanaan qof ayaa la dilay saacadihii hore ee duulaanka Ruushka ee Ukraine.

In ka badan 40 askari oo Yukreeniyaan ah ayaa la dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay saacado gudahood markii Moscow ay billaabatay duullaankeeda, sida uu sheegay Oleksii Arestovich, oo ah kaaliyaha Madaxwrynr Zelenskyy.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ilaa toban qof oo ka agdhawaa goobta la dilay.