Shiinaha oo ergey gaar ah u magacaabay Geeska Afrika

BEIJING-(Berberanes)-Dawladda Shiinaha ayaa u magacowday Shu Bing oo ah diblomaasi sare inuu noqdo ergeygooda gaarka ah ee u qaabilsan mandaqadda Geeska Afrika oo ah meel ay colaado ka jiraan sida Ethiopia, Eritrea iyo Somalia.

Ambassador Shu ayaa hore u soo noqdey safiirkii Shiinaha ee Papue New Guinea, waxaannu waayo-arag u yahay Afrika, iyo America sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha shalay.

Hawsha ergeygan ayaa noqoneysa inuu qaaradda ka iibiyo siyaasadda Shiinaha ee ay u yaqaanaan horumarin nabad ah.
Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii January ee la soo dhaafay mar uu booqdey Bariga Afrika in magacaabistan ay qorsheynayeen.
Danaha Shiinaha ee Geeska Afrika oo ay ka mid tahay xarunta ciidammada ee badda ee dalka Jabuuti oo ah mid ilaalineysa marinka dunida ee maraakiibta.

Beijing ayaa siisey deyn dalka aan badda laheyn ee Ethiopia, Ethiopia ayaa ku tiirsan ganacsiga uga soo dega Djibouti.

Gobolka ayaa waxa kaloo caqabad ka haysataa xasillooni la’aanta ka taagan Koofurta Sudan, halkaasi oo Shiinuhu maalgeliyey wax soo-saarka shidaalka, sidoo kale colaadda ka taagan Soomaaliya oo mararka qaar u gudbeysa dalka dariska la ah ee Kenya oo shirkadaha Shiinuhu maalgelin ku leeyihiin.