Jarmalka oo hakiyay mashruuca dhuumaha qaada gaaska ee Ruushka

Rusia-(Berberanews)-Kadib amarkii Vladimir Putin ee ahaa in uu ciidamo u diro dalka Ukraine, Jarmalku waxa uu xidhay dhuumo gaas oo Ruushku leeyahay oo muhiim ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii u aqoonsaday laba goobood oo ka go’ay Ukraine inay yihiin dowlado madax banaan, wuxuuna amray askarta Ruushka in la geeyo labadaba.

Dalalka reer galbeedka, ayaa falkan inta badan u arka mid marmarsiinyo u ah duullaan ballaadhan oo Rusia wado.

Jarmalku waxa uu xayiray ogolaanshaha mashruuca Nord Stream 2, iyo wadamada kale ee reer galbeedka oo soo rogay ganaaxyo falcelin ah.

Cunaqabatayntu waa weedh ballaadhan oo tilmaamaysa tallaabooyin kala duwan oo ay dawladi qaado si ay u dhaawacdo mid kale, inta badan si ay uga hortagto dabeecadaha gardarada ah ama ku xad-gudubka sharciga caalamiga ah.

Inkasta oo ay jiraan diidmo ka timid Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Poland, iyo Ukraine, Jarmalku wuxuu taageeray dhuumaha Nord Stream 2. Waxay ku kacday €10 bilyan (£8.4 bilyan), iyada oo lacag  ka timid shirkadaha tamarta ee Ruushka iyo reer galbeedka.

Berberanews.com Info@berberanews.com