Alshabaab oo qarax khasaare geystay la eegtay Madaxweynaha Puntland

Boosaaso -(Berberanews)-Ugu yaraan 3 askari, ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar miino loo adeegsaday oo kooxda Al-shabaab la beegsatay gaadiid kolonyo ah oo galbinayey Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mr Siciid Cabdillaahi Deni oo marayey duleedka kontoroolka galbeed ee laga galo magaalo-xeebeedda Boosaaso barqadii maanta.

Qaraxa oo ahaa miino nooca meelaha fog laga hago ah oo hore loo sii diyaariyey, ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidanka ee sugayey amniga madaxweyne Deni oo socdaal ku tegay magaalada Boosaaso oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo aad u adag.
Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku dhintay qaraxan, tiro kaloo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, waxana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland lala beegsado weerar argagixiso, waxana arrintaas ay ku soo beegantay xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amnigu sii xumaanayso.
Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyey weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso.