Hoggaamiyaha TPLF oo shaaciyey qodobbo aanay gorgortan ka geli karin

Maqalle-(Berberanews)-Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael, ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah laga samayn doonin shan qodob oo uu carrabka ku adkeeyey inay aasaasi u yihiin shacabka Tigray-ga oo aan lagala xaajoon doonin geeddi-socodka nabadda ee socda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray sannadguurada 47-aad ee halgankii hubaysnaa ee kooxda TPLF oo ku beegnayd shalay ayuu ku sheegay in wadahadallo ay kula jiraan xukuumadda Addis Ababa, balse ay jiraan arrimo aan gorgortan laga gali karin.

Hoggaamiyaha TPLF waxa uu xusay shan arrimood oo uu ku sheegay inay yihiin su’aalo aasaasi ah oo ay qabaan dadka Tigrayga.

“Marka hore, wax tanaasul ah ka yeeli mayno ciidankeenna.”
Wuxuu kaloo sheegay in aan laga hadli doonin arrinta xuduudka Eritrea, ka bixitaanka ciidammada Eritrea ee Gobolka Tigray, xaqa ay dadka Tigreegu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka u gefay shacabka Tigray.
Waxa uu intaa ku daray in shantan qodob ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee wada xaajoodka socda, “Arrinta wax-siinta iyo qaadashada halkan kuma shaqeyso,” ayuu raaciyey.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inay wadaan dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada dagaalkaas oo siyaabo kala duwan loo adeegsanayo.

Dhanka kale, Ururka Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in ergada Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kaalintooda ka qaadanayaan wadahadallada socda ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo fallaagada Tigray.