Booliiska Ottawa oo xoog u adeegsaday mudaharaadayaasha

Ottawa-(Berberanews)-Iyadoo koox booliis ah oo xooggan ay u dhaqaaqeen sidii ay goobtaas uga nadiifin lahaayeen, ayaa booliiska Ottawa waxa ay xidh-xidheen tobaneeyo qof oo mudaaharaadayey, waxaanay bilaabeen inay jiidaan baabuur kuwaas oo muddo saddex toddobaad ah xannibay badhtamaha caasimadda Kanada.

Boqolaal booliis ah iyo daraasiin baabuur oo booliis ah, oo uu ku jiro baabuur weyn oo gaashaaman, ayaa yimid meel u dhow Dhismaha Farshaxanka ee Ottawa Jimcihii, halkaas oo qiyaastii 20 baabuur la dhigay tan iyo dabayaaqadii January, kuwaas oo xannibay waddada.

“Haddii aydaan hadda bixin, waa laydin xidhi doonaa,” ayay booliisku yidhaahdeen markii ay burburiyeen muraayadaha baabuurta.

galabnimadii jimcaha, taliyaha Kumeel gaadhka bilayska Ottawa Steve Bell ayaa u sheegay warfidiyeenka in 70 qof la xidhay.

Intii uu socday shirkiisa jaraa’id, wuxuu yidhi, “Waxaan shaqeyn doonnaa habeen iyo maalin ilaa inta [hawlgalkan] laga dhammaynayo.”

January 28-keedii, isu soo bax ballaadhan oo gaadiidleyda Kanada iyo taageerayaashooda ayaa isugu soo baxay Ottawa si ay uga mudaaharaadaan xannibaadaha coronavirus waxayna dalbanayaan in laga qaado.

Gawaadhida xamuulka qaada ayaa xidhay wadooyinka ku hareeraysan Hill Parliament waxayna ku sugnaayeen muddo, iyaga oo qabsaday meelo badan oo la dego oo ku yaala badhtamaha magaalada.