SOMALILAND: Dhacdo la yaab leh -rag tiirka la geeyey, qabrigooduna qodnaa oo la sii daayey

Berbera -(Berberanews)-Alle dile ayuun baa dhinta. Laba nin oo ka mid ah maxaabiis oo xukun qisaas toogasho ah lagu fulin lahaa saaka, ayaa daqiiqadihii u dambeeyey ka badbaaday dilka, kadib markii ay cafis ka heleen ehelada marxuumiinta loo qisaasayey.

Arrinta ayaa ka dhacday duleedka Xabsiga Madheera oo ka tirsan Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo saaka tiirka la geeyey lix maxbuus, laakiin laba ka mid ah si la yaab leh uga badbaadeen in la toogto.

Labada nin ee dilka ka badbaaday ayaa tiirka kula xidhnaa afar gacan-ku-dhiigle kale oo qisaas toogasho ah lagu fuliyey saaka, balse labadooda markii la toogan lahaa daqiiqado ka hor la sii daayey, iyadoo xataa loo sii diyaariyey xabaalaha lagu aasi lahaa.

Labada nin oo aan magacyadooda weli la shaacin, ayaa ka soo kala jeeda Gobolka Sool ee Somaliland iyo dalka Soomaaliya.

Ninka u dhashay dalka Soomaaliya, ayaa lagu helay dembi ah inuu dilay askari ka tirsan ilaalada xabsiga Hargeysa oo uu ku xidhnaa, iyadoo markii hore loo qabtay budhcad badeednimo.

Ninka reer Laascaanood oo hore uga tirsanaa ciidammada Somaliland, ayaa dilay nin ay isku heyb yihiin, waxaanay maxkamad go’aamisay in lagu fuliyo xukun qisaas ah.
Diinta Islaamka ayaa qofka qisaasta loo fulinayo siisay saddex khiyaar oo ah; in gacan-ku-dhiiglaha loo dilo, in diyo uu ka qaato ama in uu iska cafiyo.
Inta badan ma dhacdo in qof tiirka la geeyay si qiyaas loogu fuliyo uu ka badbaado xaaladdaas.

Berberanews.com
Info@berberanews.com