“Somaliland way u furan tahay cid kasta oo maalgashanaysa’Wasiir Sacad

Telefishan laga leeyahay Taiwan oo su’aal culus weydiiyey Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Taiwan  – (Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi kasta oo xataa China maalgashan karo, laakiin ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cidda ay rabto.
Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews oo waraysi gaar ah ka qaaday Wasiir Shire, ayaa weydiiyey waxa ay Somaliland samayn lahayd haddii uu Shiinuhu maalgashado Somaliland, laakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi kasta, oo xataa China maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go’aanka cidda ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.
“Somaliland way u furan tahay cid kasta oo maalgashanaysa oo uu China ku jiro, laakiinse marka ay noqoto go’aamada yada iyo siyaasadayada cidda aannu doonayno in aannu xidhiidh la yeelanno, waxaanan filayaa in ay tahay xuquuq gaar ah oo aanu leenahay,” ayuu yidhi Wasiir Shire.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore dawladda Shiinaha uga diiday in ay xidhiidhka Taiwan dhaafsato maalgashi uu China ku sameeyo Somaliland.