Cabdikariin Jiir: Mulaxamayste weyn oo ka baxay bahda Fanka

Muqdisho-(Berberanewa)- Allah ha u naxariistee wgoor dhawayd magaalada Muqdisho ku geeriyooday mulaxamiistihii weynaa ee Cabdikarin Faarax Jiir.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Erdogan oo horey loo odhan jiray Digfeer isaga oo maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.

Bahda iyo hawlwadeennada Shebekadda Berberanews waxay tacsi u dirayaan ummmadda Soonaaliyeed, bahda fanka iyo ehlada Marxuumka.