Shiinaha iyo Somaliland oo gorodda iskula jira

Taipei  -(Berberanews)-“Shiinuhu ma sheegi karo cidda Somaliland xidhiidh la yeelan karto, maadaama aannu nahay qaran madax-bannaan oo si xor ah u dhashay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo hoggaaminaya wefti wasiirro ah oo safar ku jooga dalka Taiwan oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Taipei maanta.
Dawladda Shiinaha ayaa si weyn uga cadhootay, una cambaaraysay socdaalka weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ku tageen dalka Taiwan horraantii toddobaadkan, iyadoo xukuumadda Beijing tallaabadaas ku tilmaantay mid khatar ku qarankeeda.
Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaadhan oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa inta badan ah dhul nabdoon, horumar weynna ka socdo, halka Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo soddon sanno ah.

Somaliland iyo Taiwan, xilli Shiinuhu ku andacoonayo in Taiwan tahay dhul ay leeyihiin, sidoo kalena ka go’doonsan diblomaasiyadda, ayaa sannadkii 2020 kala samaystay xafiisyo wakiillo a u kala  ajga caasimadahooda, taas oo ka cadhaysiisay Beijing iyo Muqdisho.
Somaliland oo ku taal meel istaraatiiji ah – Geeska Afrika – waxay xuduud la leedahay Jabuuti, halkaas oo Shiinuhu ku leeyahay saldhig millateri oo ah kii ugu horreeyey abid ee uu ku yeesho dibadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, ayaa sheegtay in toddobaadkan ay Taiwan “ay dalka ku hurinayso si ay u wiiqdo madax-bannaanida iyo midaynta dalalka kale, isla markaana ay waxyeello u gaysanayso dadka kale iyagoon waxba u tarayn,” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, xilli uu socday kulan Madaxweynaha Taiwan la lahayd wefti heer sare wasiirro ah oo ka socda Somaliland, kuwaas oo socdaal ku jooga Taipei.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo la hadlay warfidiyeenka, ayaa sheegay in aannu Shiinuhu u talin dalkiisa.

“Waxaan ku dhalannay annaga oo xor ah, xornimo ayaana ku sugnaan doonnaa, ganacsigayagana waxaan u maamuli doonnaa sida aan rabno. Shiinuhu nooma talin karo, ma jiro waddan waddan kale u talin kara oo wax u yeedhin karaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan maanta.
Wasiir Kayd waxa uu intaasi ku daray inay u furan yihiin inay la macaamilaan cid kasta oo ku ixtiraamta in ay yihiin waddan madax-bannaan oo doonaysa inay ganacsi la yelato iyadoon wax shuruud ah ku xidhin. “Waxaan u maleynayaa inay taasi caddahay sida aan u tagi karo Shiinaha.”

Taiwan waxa Afrika ka saaray diblomaasiyad ahaan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, iyadoo eSwatini oo keliya ay hadda xidhiidh buuxa la leedahay jasiiraddaas.
Shiinuhu waxa uu cadaadis ku saaray dalalka kal in aanay la xidhiidhin Taiwan, iyada oo doonaysa in ay caddayso sheegashooyinkeeda madax-bannaanideeda, waxaanay labaduba si joogto ah uga ganacsadaan isticmaalka “diblomaasiyadda doollarka” ee amaahda iyo hadiyadaha lacagta caddaanka ah si ay aqoonsi caalami ah u helaan.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ee weftigoodu ku qabteen caasimadda Taipei maanta, ayaa sheegay in dalkiisu aannu ilaa hadda wax codsi ah u gudbin oo uu ku saabsan amaah uga timaadda Taiwan.