Trump oo la baxsaday waraaqo sir ah kulankii dhexmaray hoggaamiyaha Kuuriya

Washington  -(Berberanews)-Hay’adda dawladda Maraykanka ee maamusha Kaydinta Xogaha Madaxtooyada, ayaa ka codsatay Waaxda Caddaaladda in ay baadhitaan ku samayeen sidii uu Donald Trump u maamulay waraaqihii rasmiga ahaa ee dawladda.

Mr. Trump ayaa lagu eedeeyey inuu jeexjeexay, badhna la baxsaday dukumantiyo muhiim ah oo uu leeyahay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.
Dukumantiyada Donald Trump qabsaday waxa ka mid ah waraaqo xasaasi ah oo ay is dhaafsadeen hoggaaminaya Kuuriyada Woqooyi iyo xogaha kulamadii uu dhexmaray labadooda.
Madaxweynayaasha Mareykanka marka ay Aqalka Cad bannaynayaan waxa looga baahan yahay sharciga inay ku wareejiyaan dhammaan warqadahooda, dukumeentiyadooda shaqo iyo iimaylladooda ku aaddan Keydka Qaranka.

Balse saraakiisha hay’adda ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si sharci-darro ah u jeexjeexay dukumentiyo badan oo muhiim ahaa.
Qaar ka mid ah qoraallada Donald Trump jeexjeexay waxa ku jira warqado ay ahayd dib la isugu dhajiyo, maadaama ay lagama maarmaan ahaayeen.
Waxa kale oo soo baxday in 15 sanduuq oo waraaqo ah oo ay ahayd in Mr Trump wareejiyo markii uu ka baxay Aqalka Cad la geeyey gurigiisa oo ku yaalla Gobolka Florida.

Waxa ka mid ah warqado dhexmaray Mr Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo warqaddii xilwareejinta ee madaxweyne Barack Obama.

Mr Trump waxa ay isku dhaceen kaydka qaranka waqti hore. Waxa uu ku guuldarreystay inuu dacweeyo si uu uga hortago in ay wax caddaymo ku wareejiyaan guddiga Congress-ka ee baadhayey rabshadihii 6 January 2020-kii ka dhacay Baarlamaanka Maraykanka ee US Capitol.
Bayaan uu soo saaray, ayuu Mr Trump ku qiray wadashaqeynta Keydka Qaranka.

“Sifada warbaahinta ay u foolxumaynaya xidhiidhka aan la leeyahay NARA [Maamulka Kaydka Qaranka iyo Diiwaangelinta] waa War Been abuur ah. Waxay ahayd sidaas ay sheegeen sida ka soo horjeedda! Waxay ahayd sharaf weyn in aan la shaqeeyo NARA si ay u caawiso si rasmi ah in loo ilaaliyo dhaxalka Trump,” ayuu yidhi.