Telefoonnada Abiy Axmed iyo Farmaajo oo la Jabsaday iyo Wadahadallo Dhexmaray

Addis Ababa -(Berberanews)-Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurtogal tahay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhexmaray telefoonka.
Xogta ayaa tibaaxday in arrintan uu ka war helay raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, oo uu ka duulay maanta.
Abiy ayaa rumeysan in muddo bilo ah ama sannado la helayey xogaha wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhexmaray WhatsApp-ka.
Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xogta, iyada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.
Ilo-wareedyo, ayaa sidoo kale sheegaya in jabsashada taleefoonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israa’iil, taas oo hore madax badan oo caalamka ah iyo shaqsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsaday.
Pegasus Spyware, waxa loo adeegsadaa in qofka la doonayo in taleefoonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo haddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo maamulka taleefonkiisa.
Dhowaan ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diyaarad millatari oo gargaar sidday oo ay Masar u diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi inuu xumeeyo xidhiidhka Abiy Ahmed.
Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxa sidoo kale suurtogal ah inay yihiin Imaaraadka Carabta ama Sucuudiga, oo hore caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.
Xogta la helay ayaa xustay in sidoo kale la dhegaystay telefoonnada wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, laakiin ma cadda waqtiga iyo cidda wasiirka ka ahayd xilliga la jabsaday.
Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka cadheysnaa arrintan iyo in kale.