Warbixin daaha ka fayday Abiy Ahmed oo Dhabarka Jeediyey saaxiibkii Farmaajo

Addis Ababa -(Berberanews)-Soomaaliya ayaa Khamiistii lagaga adkaaday tartan ay u gashay inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika kadib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta ururka.
Soomaaliya ayaa kursigan kula loollantay Jabuuti oo heshay 19 cod halka Soomaaliya ay ka heshay 13 cod. Jabuuti ayaa kursigan ku fadhin doonta illaa sannadka 2025.
Hase yeeshee, codeynta waxa ka soo baxday arrin yaab leh kadib markii Itoobiya ay u codeysay Jabuuti. Ma aha kaliya in Itoobiya ay u codeysay Jabuuti, ee waxay sidoo kale u gashay olole xooggan oo ay dalalka kale taageero uga raadisay.
Dawladda Soomaaliya ayaa marar badan Itoobiya ku garab istaagtay masraxyo caalami ah.
Waxa ugu dambeeyey oo ay Soomaaliya ka soo horjeedsatay codeyn uu Golaha Xuquuqda Aadanaha Qarammada Midoobay u qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baadhitaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya, taasi oo Farmaajo uu ku garab istaagay Abiy Ahmed.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sidoo kale dhowaan sheegay in Farmaajo uu diiday in diyaarad millatari oo Masar ay leedahay ay gargaar caafimaad u qaaddo Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qaba in Abiy Ahmed u arko inuu xulufo la yahay Masar.
Haddii Farmaajo uu gaadhay in xataa gargaarkii Soomaaliya uu u diido cabsi uu ka qabo Abiy iyo inuu lumiyo saaxiibtinimadiisa, Abiy kama gabban inuu eego danta dalkiisa uuna taageero Jabuuti.
Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan iyada oo inta badan badeecadaha dalka Itoobiya la geeyo ay kasoo degaan Jabuuti, sidaas darteedna Abiy wuxuu Jabuuti u arkaa inay uga muhiimsan tahay Soomaaliya. Sidaas darteed Abiy Ahmed wuxuu eegtay dantiisa.
Balse su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah danta ay Abiy iyo Itoobiya u hayaan Soomaaliya ee Farmaajo mar walba u garab taagan yahay, marka laga reebo inuu doonayey in ciidanka Itoobiya ay ka caawiyaan inuu dalka ku qabsado balse ku fashilmay.
Abiy wuxuu Farmaajo tusay qiimahiisa, Farmaajo ma leeyahay indho uu ku arko?