Gaadiid rar ka qaaday Berbera oo lagu xannibay Ethiopia

Ethiopia-(Berberanews)-Gaadiid Somaliland laga leeyahay oo rar ka qaaday Dekeda Berbera, ayaa ku xaniban
wadada Astatafare Nasrid ee dalka Ethiopia.

Mid ka mid ah Gadiidlaydii Somaliland ee xamuulka  ka  qaaday Dekeda Berbera  ayaa Nin Oromo ah ku jiidhay wadada Astatafare oo u dhaw Magaalada Naasareed, ka dib Oramadii ayaa waxa ay halkaasi ku xanibeen Gaadiid badan oo dalka Somaliland laga leeyahay,

Mid ka mida dirawaliinta gaadiidka waday ayaa waxa uu sheegay in dhakhtar ay geeyeen Ninka Oramada lana sawiray jabniina laga waayay,walina ay haystaan Oramadii gaadiidka oo halkaas ku xaniban,

Gaadiidkan ayaa soo rogay rar ay ka qaadeen Dekeda Berbera, kuwaasoo soo dhigay rarkii kuna sok socday Somaliland.

Muuqaalkan Hoose waxaa ka hadlaya midka mid ah diwarawaliinta gaadiidka, kaadoo baaq u diray Xukuumadda iyo safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia.

Daawo muuqaalka