Maraykanka oo hawlgal qorshaysan ku dilay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish

WASHINGTON —(Berberanews)-Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Gobolka Idlib ee woqooyiga galbeed ee dalka Syria xalay.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo warbaahinta la hadlay maanta.
Weerarka oo sida la sheegay ay fuliyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah ee Daacish la wareegay 31-kii October 2019, maalmo uun kadib markii hoggaamiyahoodii Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay hawlgal Maraykanku ka fuliyeen isla aaggaas.
Sarkaal Maraykan ah, ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, kadib markii uu isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, markii ciidammada Maraykanku ku ku siqeen goobta uu ku sugnaa.
Higgaamiyaha Daacish ee la dilay waxa sidoo kale loo yaqaannay Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla.
Hawlgalka khaaska ah ciidammada Maraykanku fuliyeen, ayaa yimi xilli xoogagga Daacish isku dayayeen inay dib u soo laba kacleeyaan, iyaga oo weerarro dhowr ah ka fuliyey gobolka.
Ciidammada gaarka ah ee Maraykanka oo ka soo daatay diyaarado helikobtar ah, ayaa weeraray guri ay Daacish ku lahayd Gobolka Idlib ee waddanka Syria, waxa halkaas iskudhac socday laba saacadood uu dhexmaray koox hubaysan ciidanka Amerikaanka, sida dad goobjoogeyaal ah sheegeen.
Dadka degaanka ayaa intaas ku daray, in is-rasaaseyn xooggan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo ku dhow xuduudda Turkey oo ay ku yaallaan xeryo ay ku jiraan dad ku barakacay dagaalka sokeeye ee dalka Syria.
Dhinaca kale, kooxaha gurmadka degdegga ah ee caafimaadka, ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska horimaadka, kuwaas oo ay ku jiraan lix carruur iyo afar haween ah.
Madaxweyne Biden, ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay inuu amray weerarka “si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulafadooda, ugana dhigo dunida meel amni ah.”
“Iyada oo ay ku mahadsan yihiin ciidammadeenna geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Madaxweyne Biden ku yidhi bayaankiisa.