Somaliland oo xaqiijisay in Mareykanku saldhigyo ciidan ka samaysanayo Berbera

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Muuse Biixi soo dhoweynayo imaatinka Maraykanka ee Berbera, taasoo sugi doonta ammaanka marin badda Somaliland.

Warbixin dheer oo wargeyska Washigton Post ka qoray shalay faa’iidooyinka ku jira xidhiidh dhow oo Maraykanku la yeesho dalka Somaliland oo cinwaan looga dhigay “Somaliland waxay u fidinaysaa ciidamada Maraykanka adeegsiga Dekedda, Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, si ay aqoonsi u gaadhaan” oo qeybtii khusaysay wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibedda idiin soo gudbinnay, ayuu yidhi; “Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo ilaalinta marin-biyoodka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo waraysi siiyey wargeyska Washington Post.
Somaliland oo ah dal nabdoon, kana duwan Soomaaliya oo colaadahu ragaadiyeen ayaa fursad u siinaya Maraykanka adeegsiga dekedda iyo garoon diyaaradeed eegaya marinnada istaraatiijiga ah ee badda si ay ugu beddeshaan tallaabo aqoonsiyeed ka dhigaya dal madaxbannaan.
Warbixinta wargeyska Washington Post jntaas raacisay, “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo rajaynaya inuu ka faa’iidaysto walaaca sii kordhaya ee Maraykanku ka qabo is-ballaadhinta Shiinaha ee Afrika, ayaa wuxuu qorsheynayaa socdaal uu bisha March ku tago magaalada Washington, ujeeddadiisu ku jirto danno lays-dhaafsado iyo adeegsiga Maraykanka ee dekedda Berbera, magaalo ku taal Gacanka Carbeed, oo ah marin muhiim ah oo isku xidha Badweynta Hindiya, Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.
“Waa muhiim inuu Mareykanku muujiyo doonistiisa oo ka falceliyaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u aragta in tartanka quwadda waaweyni uu fure u yahay xaqiijinta maqaamka caalamiga ah ee ay muddada dheer raadinayeen.
“Haddii Shiinuhu uu xoog ama hab kale ugu hollado dalkeenna Somaliland, markaa marin-biyoodyadu waxay halis u yihiin Shiinaha,” ayuu raaciyey Dr. Kayd.
Somaliland oo aaminsan in fursadahooda ku guulaysiga aqoonsi iyo kursi ay ka helaan Qarammada Midoobay aanay dhoweyn xilligan, taas beddelkeeda, iyaga iyo xulafadooda Washington waxay raadinayaan tallaabooyin ku-meel-gaadh ah oo u fududeeya sidii macaamil toos ah u dhexmari lahaa Somaliland iyo dawladaha kale.
“Gaadhitaanka ictiraafka ka sokow, yoolkeenna ugu weyn waa helitaanka la macaamilka caalamka,” ayuu yidhi Dr. Kayd.
“Somaliland waxay hore u muujisay inay doorbidayso la jaal-noqoshada waddamada Reer Galbeedka, waxaannu xidhiidh diblomaasiyadeed dhexmaray dalka Taiwan 2020, tallaabo dhirbaaxo ku noqotay Beijing oo jasiiradda Taiwan u haysata qayb ka mid ah Shiinaha.
Si lama filaan ah, dadka daneeya Shiinaha, balse aan dan ka lahayn qaaradda Afrika ayaa fiiro gaar ah u yeeshay.” Sidaa waxa yidhi J. Peter Pham oo ah diblomaasi sare oo Maraykan ah oo Washington Post soo xigtay.