Imaaraadka Carabta oo soo riday sadex diyaaradood oo lagu soo weerary

UAE-(Berberanews)-Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa qabtay oo burburiyay saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo gudaha u galay hawada dalka khaliijka oo goob aanay dad badan ku sugnayn, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

“MOD (Wasaaradda Gaashaandhigga) waxay ku dhawaaqday ka hortagga iyo burburinta, meel ka fog goobaha ay dadku ku badan yihiin, saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo soo galay hawada Imaaraadka subaxnimadii maanta lasoo riday” ayay wasaaradda gaashaandhigga ku sheegtay barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka goor dambe oo Arbacadii ahayd.

“Wasaaradda Difaacu waxay xaqiijinaysaa inay diyaar u tahay inay wax ka qabato khatar kasta oo ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo gobolka iyo dhulkeeda.”

Waddamada Khaliijka ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay la kulmay weeraro dhowr ah oo uu ku jiro weerarkii saddexaad oo gantaal ah Isniintii intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay madaxweynaha Israa’iil, taasoo keentay in Mareykanka uu farageliyo.

Maraykanku waxa uu u daadgureeyay gantaalaha difaaca Patriot si ay uga hortagaan weerarada, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. Pentagon-ka ayaa markii dambe sheegtay in gantaallada cirka ee Imaaraadka ay ku garaaceen gantaalka soo socday. Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa sheegatay mas’uuliyadda saddexdii weerar ee ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso Imaaraadka Carabta oo ah xarunta ganacsiga iyo dalxiiska ee gobolka, ilaa ay ka joojinayaan faragelinta Yemen.

Imaaraatka Carabta ayaa si weyn hoos ugu dhigay joogitaankooda militari ee Yemen tan iyo 2019, laakiin wali waxa ay awood u adeegsadaan ciidamo maxalli ah oo ay dhisteen oo ay hubeeyeen.

Berberanews.com
Info@berberanews.com