Xildhibaan Maxamed Abiib xoog lagaga saaray fadhigii Golaha Wakiillada

Hargeysa -(Berberanews)-Muran iyo maandhaaf hadheeyey fadhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay, ayaa sababay in golaha qasab lagaga saaro xildhibaan Maxamed Abiib, kadib markii ay hadallo adag is weydaarsadeen Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo fadhiga guddoominayey.
Buuq ka dhashay hadallo kulul oo ay is dhaafsadeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa markii dambe gaadhay heer uu Guddoomiye Khaliif ku amray xildhibaanka inuu debedda ugu baxo fadhiga golaha.
Hase ahaatee, xildhibaan Abiib ayaa arrintaas ka biyo diiday, waxana golaha ka bilaabmay buuq iyo hadallo taagtaagan oo dhexmaray Guddoomiyaha iyo mudanaha, taas oo markii dambe sababtay in guddoomiyuhu ku amro ciidanka ammaanka inay mudanaha debedda uga saaraan hoolka fadhiga, ugu dambeynna ciidammada ayaa xoog dibadda ugu saaray xildhibaan Maxamed Abiib oo xilligaas cadho aad u badan shucuurtiisa ka muuqatay.
Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid mudanayaasha ku abtirsada xisbiga mucaaradka ee WADDANI ee laga soo doortay Gobolka Awdal oo markii fadhiga laga saaray warbaahinta kula hadlay baaxadda xarunta Baarlamaanka, ayaa wax laga xumaado oo aan la qaadan karin ku tilmaamay qaabkii golaha looga saaray.