Itoobiya: Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo TPLF oo isu soo dhowaaday

Maqalle  -(Berberanews)-Fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee muddada sannadka ka badan dagaalka kula jirta dawladda dhexe ee dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga gaadhay dedaallada diblomaasiyadeed ee la isugu soo dhoweynayo iyaga iyo xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael oo waraysi siiyey BBC-da galabta, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa.
Waxa uu intaas ku daray in tallaabadaasi dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhowaadaan.
“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhammeeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalinno xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yidhi Gebremichael.
Ra’iisal-wasaare Abiy ayaa muddooyinkii u dambeeyey u muuqda inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn oo laga gaadho colaadda Tigray.
Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxaannu meesha ka saaray xaaladdii degdegga ahayd ee uu dalka ku soo rogay.
Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ee uu ku doonayo in la tirtiro ururka TPLF ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.