Maareeyaha Dekedda Berbera oo la kulalmay wefti ka socda Norway

Berbera-(Berberanews)-Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa maanta qaabilay wefti ka socsa Safaaradda Norway ee Dalka Kenya.

“Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda Berbera, wefti ka socda Safaaradda Dalka Norway ku leeyahay dalka Kiiniya. Weftigan oo uu hoggaaminaayay Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta Safaaradda Norway Mr. Erling Hess Johnsen.” Sidaa waxa bartiisa facebook kusoo qoray Maareeyee Siciid.

Maareeye Siciid Xasan Cabdillaahi waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay weftiga isdhaafsadeen.

“Waxa aannu ka wada-hadalnay arrimo la xidhiidha iskaashi dhex-mara Dekedaha Dalka Norway iyo Dekedda Berbera, si gaar ah waxa aannu u waydiisanay in ay innaga taageeraan Tababarka Shaqaalaha Dekedda Berbera si xirfadooda aqoonneed kor loogu qaado.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com