Ujeeddada safar kedis ah oo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya uu ku tegay Jigjiga

Jigjiga -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiyi Axmed, ayaa safar kedis ah oo aan hore loo shaacin ku tegay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad-degaanka Soomaalida duhurnimadii maanta.
Ra’iisal wasaaraha, ayaa la sheegay in ujeeddada safarkiisa degaanka Soomaalida uu la xidhiidho la kulanka bulshada degaankaas iyo wax-ka-qabashada xaaladda abaarta ee halkaas ka jirta oo saamayn weyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba.
Masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya Mr Mustafe Muxumed Cumar, ayaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ku soo dhoweeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu booqasho ku tagi doono duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku sugan yihiin dadweyne barakacayaal ah oo ay saamaysay abaar aad u kulul oo ku dhufatay deegaannada Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.