Wasiir Ciise Kayd oo qaabilay madaxa xafiiska UK ee Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Essa Kayd Mohamoud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer sare ah oo ay hoggaaminayo Amb. Lizzie Walker oo ah madaxa xafiiska UK ee Somaliland. Amb. Lizzie waxay aad uga bogaadisay xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo UK.



Danjire Lizzie Walker oo dhawaan dowladda UK u soo magacowday Xafiiskooda Hargeysa, ayaa waraaqda Aqoonsiga u gudbisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanay beddeli doontaa Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.” Sidaas waxaa lagu baahiyay Bogga Facebook ee
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga JSL Essa Kayd