Chicago: Booliska oo baadhaya toogashada ilmo 8 jir ah

Chicago-(Berberanews)Booliska dalka Maraykanka ayaa baadhaya dhimashada gabadh 8 jir ah oo toogasho lagu dilay dabayaaqadii todobaadkan gudihiisa magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

Melissa Ortega ayaa la socotay qof waalidkeeda ah galabnimadii Sabtida markii ay maqleen rasaas, sida uu sheegay booliisku.
Baadhayaasha ayaa sheegay in mas’uulka uu ogaaday in cunuga ay xabadi ka haleeshay madaxa.

Dhibbanaha da’da yar ayaa loo qaaday isbitaalka Stroger halkaas oo ay ku geeriyootay.

Gabadha iyo mas’uulkeeda midna ma ahayn badhtilmaameedkii la rabay, ayuu yidhi booliisku.
Nin 26 jir ah, oo booliisku ay sheegeen inuu ahaa badhtilmaameedkii la damacsanaa, ayaa ka soo baxay dukaan markii dembiilayaal “la yaqaanay” ay rasaas ku fureen, iyaga oo ka toogtay dhabarka, sida uu booliisku sheegay.
Waxa uu ku sugan yahay xaalad halis ah cisbitaal maxalli ah, sida ay booliisku sheegeen.

Ortega waxay ahayd ardayad wax ka baranaysay akadeemiyada Emiliano Zapata ee ku taal xaafada yar ee Chicago, oo wax yar u jirta halka lagu toogtay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ururka macalimiinta Chicago.
“Caawa, ururkayagu waxa uu baroor diiqayaa arday kale oo ka soo jeeda mid ka mid ah bulshooyinka dugsigeena. Dhibaatadani waxay noqonaysaa mid aad u caan ah qaar badan oo ka mid ah carruurta iyo qoysaska Chicago, kuwaas oo barayaashayadu ay koriyaan oo taageeraan maalin kasta,” ayuu yidhi ururka.

“Ururka Macallimiinta Chicago waxay jacaylkooda u soo diraan qoyska Melissa iyo bulshada Zapata Academy, waxayna u rajeynayaan nabad iyo bogsashada masiibadan qalbi-jabka leh.”

Booliska Chicago ayaa sii wada raadinta tuhmanayaasha toogashadan.

“Waxaan maanta ku soo toosnay dilkii Melissa oo 8 jir ah oo lagu dilay tuulada yar. Aniga iyo Amy waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskan qalbi jabay iyo bulshada burburtay,” Duqa magaalada Chicago Lori Lightfoot ayaa barteeda twitterka ku soo qortay.

Qofkasta oo haya macluumaad ku saabsan toogashada wuxuu wici karaa ama kaga tagi karaa tilmaan online ah.

Abaalmarin dhan $10,000 ayaa la siinayaa qofkii keena xog lagu soo xidho iyo ilaa $15,000. “Ma ogolaan karno in cabsidu ay nagu keento inaan lumino bini’aadantinimadayada. Fadlan u soo bax si qoyska Melissa ay u ogaadaan in ay jirto caddaalad” Lightfoot ayaa tidhi.

Toogashooyinka Chicago ayaa kordhay 11% sanadka 2021 marka la barbar dhigo 2020 iyo 63% marka la barbar dhigo 2019 heerarkii hore ee masiibada, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliisku.

Berberanews.com
Info@berberanews.com