Madaxweynaha Armenia oo iscasilay

Greece-(Berberanews)-Madaxweynaha Armenia Armen Sarkissian ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilayo, isaga oo sabab uga dhigay in xafiiskiisa aanu awood u lahayn in uu saameyn ku yeesho siyaasadda xilliyada qalalaasaha qaran.

Sarkissian, oo madaxweyne ahaa tan iyo 2018, waxa uu xuddun u ahaa qalalaasaha siyaasadeed ee gudaha sannadkii hore ka dhashay dagaal u dhexeeya Armenia iyo Asarbayjaan oo ay muddada dheer xafiiltamaan ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Waxa uu ku lug lahaa isku dhac uu sannadkii hore la galay ra’iisul wasaare Nikol Pashinyan, arrimo badan oo ay ka mid yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxii ciidamada qalabka sida ee dagaalka ka dib iyo iyadoo ay socdeen mudaaharaadyo kumanaan kun ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalka Caucasus.

“Tani ma ahan go’aan shucuur ku saleysan, waxayna ka timid caqli-gal gaar ah,” Sarkissian ayaa Axaddii ku yidhi hadal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah.

“Madaxweynuhu ma haysto agabka lagama maarmaanka u ah inuu saameyn ku yeesho geeddi-socodka muhiimka ah ee siyaasadda dibadda iyo gudaha waqtiyada adag ee dadka iyo dalka,” ayuu yidhi.

“Waxaan rajeynayaa in ugu dambeyntii isbedelada dastuuriga ah la hirgeliyo oo madaxweynaha soo socda iyo maamulka madaxweynaha ay awood u yeelan doonaan inay ku shaqeeyaan jawi isku dheelitiran,” ayuu raaciyay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com