Maydadka dad baraf ku dilay Xuduudka Canada iyo Maraykanka

Canada-(Berberanews)-Booliiska dalka Canada ayaa goob baraf ah oo ku dhow xadka Mareykanka ka helay meydadka afar qof oo uu ku jiro ilmo yar.

Kooxda ayaa u dhintay soo-gaadhista qabowga xd dhaafka ah, kaas oo hoos ugu dhacay -35C (-31F) oo qaboow dabaylo wata, ayay saraakiishu sheegeen.

Meydadka nin, naag, wiil dhalinyaro ah iyo ilmo yar ayaa laga helay agagaarka Emerson, Manitoba, Arbacadii.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dadka dhintay la rumeysan yahay in ay ahaayeen qoys u dhashay dalka Hindiya. Kuwaasoo loo malaynayo inay doonayeen inay u gudbaan Maraykanka.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska Manitoba Royal Canadian Mounted Police (RCMP) Jane MacLatchy ayaa la wadaagtay warfidiyeenka shir jaraa’id Khamiistii.
“Waxa aan doonayo inaan la wadaago ayaa ku adkaan doonta dad badan inay maqlaan,” ayay tidhi, iyada oo ku tilmaantay “musiibo dhab ah oo qalbi jab leh”.

Arbacadii, booliska Canada ayaa lagu wargaliyay in kooxda Kastamka Maraykanka iyo kooxda ilaalada xuduudaha ay qabteen koox ka soo tallaabtay goobtaas, oo ah meel looga  gudbo xadka.

Sarkaal Maraykan ah ayaa kooxda Canada u sheegay in hal nin laga helay alaabo loogu talagalay ilmo yar, balse aan la helin ilmo.

Baadhitaan ayaa laga sameeyay labada dhinac ee xadka Mareykanka iyo Canada, waxaana kooxdan la helay abaare 13:30 qiyaastii sagaal ilaa 12 mitir u jirta xadka Mareykanka.

Kooxaha isticmaalaya mootooyinka barafka ayaa sii waday inay baadhaan barafka masaafo qoto dheer ilaa dabayaaqadii Arbacada.