Muqdisho: Suldaan sheegta Somailand oo Lagala Baxay Gurigiisa

Muqdisho -(Berberanews)-Nin sheegta Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroon ee Somaliland Suldaan Cabdulqaadir ayaa lagala baxay gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya xalay.
Ninkan oo ka mid ah xubno magacyo suldaannimo aan cidna metelin kaga xoogsada siyaasadda dalka Soomaaliya ee beenta iyo khayaaliga ku dhisan, ayaa sida la sheegay waxa lagu xidhay xarun ay leeyihiin ciidanka CID-da maamulka Muqdisho oo ku taal KM4.
Suldaanka lagala baxay gurigiisa Xamar ayaa la sida la sheegay waxa dhowr jeer looga yeedhay xafiiska xeer-ilaalinta, balse uu diiday inuu tago, arrintaas oo loo malaynayo in xadhiggiisu salka ku hayo.
Hase yeeshee, warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xidhay arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha kuraasta beesha uu magaceeda ku qadhaabsado laga siiyey Baarlamanka Soomaaliya ee haatan doorashadiisu socoto, gaar ahaan kursiga ay ku fadhido haweenay la yidhaa Maryan Maxamuud, kaas oo uu la rabo nin ay qaraabo dhow yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.