Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo ururro caalami ah oo taageeray doodda aqoonsiga Somaliland ee UK

London -(Berberanews)-Xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyanno iyo ururro caalami ah, ayaa si buuxda taageeray dood baarlamaanka dalka Ingiriisku ka yeelanayo qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland gelinka dambe ee maanta.
Xildhibaannada kala ah Stephen Doughty, Tom Tugendhat iyo Zac Goldsmith oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska, James Carver oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub iyo ururka waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa dhammaantood soo dhoweeyey doodda Baarlamaanka UK ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland saacadaha soo socda.
Mudane Tom Tugendhat oo ah madaxa Guddida Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in uu taageerayo soo-jeedinta xildhibaan Gavin Williamson ku doonayo in Somaliland la aqoonsado.

“Tani waa dood muhiim ah. Waan taageeri doonaa dooda soo-jeedinta Gavin Williamson ee ku aaddan in loo hadlo bulsho iyo waddan sannado badan xornimada u taagnaa,” ayuu yidhi xildhibaan Tugendhat.

Xildhinaan Zac Goldsmith iyo Stephen Doughty, ayaa iyaguna aad u soo dhoweeyey doodda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay ku tilmaameen qaddiyad muhiim, waxayna sheegeen inay ka qaybgalayaan oo ay sugayaan.

Ururka ay ku midoobeen waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa qoraal ay ku baahiyeen boggooda Twitterka ku bogaadiyey doodda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland, iyagoo xusay sababaha ay Somaliland aqoonsi ugu qalanto.
Sidoo kale, Games Carver oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub, ayaa u sacabbo tumay dooddan ku saabsan aqoonsiga Somaliland, “Maanta Gavin Williamson ayaa hoggaamin doona dood ku saabsan qaddiyadda ballaadhan ee aqoonsiga Somaliland, waddankan ammaanka ah ee dagani, wuxuu u qalmaa in fursad la siiyo,” ayuu yidhi Carver.
Geesta kale, dawladda Soomaaliya ayaa iyadu aan ku niyadsamayn dhawaaqyadan, isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Muqdisho Mr Cabdi Siciid Muuse oo khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska, Vicky Ford, ayaa kala hadlay arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com