Xogo dheeraad ah: Qaraxyada Imaaraadka Carabta oo Xuutiyiinta Yemen sheegeen

ABU DHABI —(Berberanews)-Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah, ayaa maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo Xuutiyiinta waddanka Yemen ku dhowaaqay hawlgallo millatari oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka.
“Walxyo yar oo duula ayaa la helay, iyada oo saddex booyadood nooca shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado ku yaallaan, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha,” sida boolisku sheegay.
Saddex qof ayaa ku geeriyooday, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen boolisku. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu ka soo jeedo Pakistan.
“Baadhitaanno horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaaddeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dhacay laba goobood, isla markaana ay suurtogal tahay inay sababeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay booliska Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay tafaasiil ka bixin doonaan hawlgal millatari oo ay xuseen inay ka fuliyeen Imaaraadka Carabta, taasi oo ka dhigan inuu ka sii daray dagaalka toddobada sanno ka socda Yemen.
“Ciidammada xoogga Xuutiyiinta waxay ku dhowaaqeen inay saacadaha soo socda faahfaahin doonaan hawlgallo ka dhacay Imaaraadka.” Sidaa waxa barta twitter-ka ku qoray Afhayeenka Millatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree.
Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda millatari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidammada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.
AFP