Khasaaraha Qaraxyo culus oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi -(Berberanews)-Ilaa hadda inta la xaqiijiyey ugu yaraan saddex ruux ayaa dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii saddex booyad oo shidaal siday ay ku qarxeen magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta maanta, sida uu shaaciyey telefishinka AlJazeera.


Waxa laga shakisan yahay in qaraxyada ay ka dhasheen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aannu duuliyaha lahayn ee drones-ka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.
Falkan ayaa daba socday hadal hanjabaad ah oo ka soo yeedhay Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay in ay hawlgallo ka fulinayaan xuddunta hoose ee Imaaraadka Carabta.


Taliska booliska Abu Dhabi ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saddex booyad oo nooca shidaalka daabula ah ay ku qarxeen agagaarka warshadda Musaffah oo u dhow xarumaha shidaalka lagu keydiyo ee shirkadda ADNOC.
Saraakiisha ayaa intaas ku daray in sidoo kale uu dab ka kacay meel dhisme ka socday oo ku taalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com