Garyaqaanno Tafsiir sharci ka bixiyay Go’aanka Maxkammadda Sare

Hargeysa-(Berberanews)-Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi oo guddoomiye u ahaa xildhibaannada golihii hore ee wax-ka-beddelka iyo kaabista ku sameeyey xeer Lr.14 2011, ayaa tafsiir ka bixiyey qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah, waxaannu yidhi: “Qodobkii ugu mihiimsanaa ee wax ka-beddelkii aannu ku samaynay xeer 14 waa qodobka 6aad, farqaddiisa 5aad, kaas oo Maxkamaddu laashay ee doorashada tooska ah ay ka dhigtay, waxaanay waafajisay qodobka.8aad ee wax-ka-beddelkan dambe ee xeer Lr.14.2021.
Waxa soo baxay go’aan.
Su’aasha kowaad maxaa laysku hayey?
Waxa laysku hayey ururrada waa la furayaa muddada dhammaadka ruqsaddooda ka hor iyo lama furayee waxaa la furayaa marka muddada ruqsadoodu dhammaato oo ah 22 November kadib.
Maxaa Maxkamadda Sare go’aamisay?
Waxay go’aamisay.
1. In 6 bilood ka hor muddada dhammaadka ruqsadda xisbiyada la furayo ururrada.
2. In doorashada ururradu noqoto mid toos ah oo aan ku xidhnayn gole degaan oo ah sidii wax ka beddelka dambe jideeyey.
3. Waxay madaxweynaha ku waajibisay qabanqaabada furista ururrada muddada ku xusan Xeer le 14/011 iyo kaabistiisa oo ah lix bilood ka hor.
Sidaasi waxay toos ugu caddahay dalabka muwaddiniinta ee la oggolaaday iyo xeerka la xusay.

Waa jiraa tafsiir mucaaradku si sahlan u qaateen oo aan ka tarjumayn nuxurka go’aanka isaguna la socday ereyga lama furi karo, kaasna waa riyo siyaasi ah oo dhammaan doonta.” Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi

Dhanka kale, Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa isna tafsiir sharci ka bixiyay goaanka sharci ee maanta ay soo saartay Maxkamadda Sare ee Somaliland.