Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax Al-shabaab la eegatay

MUQDISHO —(Berberanews)- Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Mr Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa ku dhaawacay qarax ismiidamain ah oo lagula beegsaday jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho barqadii maanta.
Macalimuu ayaa loola cararay mid ka mid ah cusbitaallada Muqdisho, waxaanay dadka ka ag dhow sheegeen in xaaladdiisu deggan tahay.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Macalimuu lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah, waxana xafiisku cambaareeyey werarkaas.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u rajeeyey Macalimuu inuu degdeg uga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.
Maxamed Ibrahaim Macalimuu oo hore u ahaa saxafi, isla markaaana hoggaamin jiray mid ka mid ah ururrada u dooda saxaafadda ayaa dhowr jeer ka badbaaday weerarro ka dhacay magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lala beegsaday Macalimuu, sida ay tebiyeen warbaahinta ku hadasha afka ururkaas.