Turkiga iyo Armenia oo wada hadlay in ka badan 10 sano

Turkey-(Berberanews)-Turkiga iyo Armenia ayaa Jimcihii sheegay in wareegii koowaad ee wadahadalka in ka badan toban sano uu ahaa “mid wanaagsan oo wax dhisaya,” taasoo sare u qaadaysa rajada ah in xidhiidhka dib loo soo celin karo oo xuduudaha dib loo furo ka dib tobanaan sano oo cadaawad ah.

Turkigu wax xidhiidh ah oo dublamaasiyadeed iyo mid ganacsi toona lamuu lahayn dariskiisa bari tan iyo sagaashamaadkii.

Wadahadalladii ka dhacay Moscow ayaa ahaa isku daygii ugu horreeyay ee lagu soo celinayo xidhiidhka tan iyo heshiiskii nabadeed ee 2009kii. Heshiiskaas oo aanwaligiis la ansixin, xidhiidhkuna uu sii xumaaday.

Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Armenia ayaa sheegay Jimcihii in wada-hadallada ay ku dhaceen “jawi wanaagsan oo wax dhisaya”, iyaga oo intaa ku daray in labada dhinac ay ka go’an tahay in ay caadi noqdaan iyada oo aan wax shuruudo ah lagu xidhin.

Waxay sheegeen in ergada gaarka ah ay “isweydaarsadeen fikradahooda hordhaca ah ee ku saabsan habka caadiyaynta xidhiidhka”.

Labada dal ee Deriska ayaa isku khilaafsan dhowr arrimood, oo ay ugu horreeyaan 1.5 milyan oo qof oo Armenia ay sheegtay in la dilay 1915-kii.

Armenia ayaa sheegtay in dilki 1915 uu ahaa xasuuq, mowqif uu taageeray Mareykanka iyo dalal kale.

Turkigu waxa uu aqbalay in Armeniyiin badan oo ku noolaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamadii Cusmaaniyiinta intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, laakiin waxa uu ku dooday in tirooyinkan oo uu diiday in dilku ahaa xasuuq.

Xiisado ayaa mar kale soo shaac baxay intii lagu jiray dagaalka 2020 ee dhulka Nagorno-Karabakh.
Turkiga ayaa ku eedeeyay ciidamada Armenia inay qabsadeen dhul ay leedahay Asarbayjaan. Turkiga ayaa tan iyo markaas ku baaqay in la isu soo dhawaado, maadaama uu doonayo inuu saameyn weyn ku yeesho gobolka.

Berberanews.com
Info@Berberanews.com